Talaado 23, Dec 2025 {CBB}Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda 2026.
Fadhiga Baarlamaanka oo maanta qabsoomay waxaa xaadiray 179 Mudane oo labada Aqal katirsan, waxaana Miisaaniyadda u codeeyay 174 Xildhibaan, 4 Mudane ayaa diiday halka uu ka aamusay hal Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Aadan Madoobe oo shaaciyay Natiijada.
Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Xildhibaannada iyo Senatarrada fadhiyadii ugu danbeeyay u aqriyay Miisaaniyaddaan ayaa codaynta kaddib u mahadceliyay, waxaana loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saxiixaya.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Labada Aqal ee Baarlamaanka maadaama ay aqbaleen soo gudbinta ay usoo marisay Guddiga Maaliyadda oo ugu danbayn Hay’adda Xeer dejinta horgeeyay.







