Arbaco 24, Dec 2025 {CBB}Xukun madaxaa haku furto ah ayaa lagu ridday Cholo Cabdi Cabdullaahi oo 35 jir ah una dhashay Kenya kuna eedeysan in dhaqaale badan ay ka bixisay ‘AS’ si uu u barto duullinta Diyaaradaha una fuliyo weerar lamid ah kii lagu dumiyay Daarihii Ganacsiga New York & Washington 11kii September sanadkii 2001dii.
Koox katirsan Sirdoonka Maraykanka ayaa indhaha la raacday Ninkaan oo la sheegay in uu u safray Dalka Filibiin, waxa uu duullinta Diyaaradaha ka bartay dalkaas 2017 ilaa 2019, waxa uu diiradda saaray Diyaaradaha Duullimaadka rayidka Sameeya ee Boeng 373 si uu u afduubo una fuliyo weerar si uu khasaara xooggan usoo gaarsiiyo Muwaadiniin Ameerikaan ah.
Garsoore katirsan Maxkamadda Degmada Koofurta News York ee Dalka Maraykanka ayaa ayaa sheegay in dambiyo badan lagu helay, waxaa lagu xukumay xukunkaas uu xabsiga keliya uga bixi karo in uu dhinto, tani ayaa lagu sheegay ciqaab uu ku mutaystay halistiisa heerka ay gaartay sida hadalka loo dhigay.
“Ninkaan ayaa raadinayay Ruqsadda Duulliyenimo balse way ku adkaatay in uu helo Shahaadada, waxa uu doonayay in uu markale dib usoo celiyo weerarradii Argagixiso ee September 11keeda 2001 ka dhacay Dalka yaga” Sidaasi waxaa yiri Xeer Ilaaliyaha Maraykanka ee Koofurta New York, Jay Clayton.
Chola Cabdi Cabdullaahi ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu Tababar ku saabsan ku dagaalanka Hubka iyo samaynta Qaraxyada uu ku qaatay Gudaha Soomaaliya, Ujeedka ayaa ahaa in uu isticmaalo mar weliba oo xaaladda ku adkaato kuna xumaadaan Xeeladaha uu adeegsanayo sida warka lagu xusay.
Waxa uu daraaseeyay ammaanka Qololka Diyaaradaha, sida la isaga kala dhex gudbi karo, Nidaamka Shaqaalaha shirkadaha, Dal ku galka safarrada Maraykanka & sida hub loo dhexgelin karo Diyaaradaha iyada oo laga feejignaanayo culays weliba oo caqabad ku noqon kara si weerarkaas loogu adeegsado haddii uu qorshaha uu noqdo sida loo abaabulay.
Sirdoonka Maraykanka ayaa marar hore waxa ay muujiyeen cabsi la xiriirta in ay Kenya ka dhici karaan weerarro loo adeegsado Diyaaradaha Rayidka ah, sidoo kale Dalkooda ayay geliyeen feejignaan sare si looga hortago weerarro lamid ah kuwa aan quluubtooda ka go’in ee galaaftay nolosha Dad badan.







