Arbaco 24, Dec 2025 {CBB}Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Isaag Ali Subag ayaa dhagax-dhigay Xarunta Satelite-ka Cilmi-baarista Beeraha ee Koonfur Galbeed taasi oo laga dhagax dhigay Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa Wasiirka ku Wehlinayey xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool kan Degmada Xudur iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada.
Xaruunta Satellite-ka Cilmi-baarista Beeraha Ee Koonfur Galbeed Waa Xaruuun Dowladeed oo Ka shaqaysa Cilmi-baarista Beeraha oo raacsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed Waa Xaruun Cilmi oo si gaar ah uga shaqayso Tijaabada Beeraha iyo Xoolaha, Jihaynta waxsoosaarka beeraha, Baridda beeralayda habka casriga ah ee beerashada oo la jaanqaadaysa Isbedalka Cimilada.
Wasiirka ayaa sheegay in xaruntan ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta wax-soo-saarka beeraha, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee satelite-ka, iyo xoojinta cilmi-baarista la xiriirta la-qabsiga isbeddelka cimilada. Waxa uu xusay in natiijooyinka ka soo baxa cilmi-baarista xaruntan ay si toos ah uga faa’iideysan doonaan beeraleyda, isla markaana ay kor u qaadi doonaan sugnaanta cunnada iyo kobaca dhaqaalaha Koonfur Galbeed.








