Home WARARKA MAANTA DED DEG:- Madaxweyne Laftagareen Oo Baaq Ka Soo Saaarey Xaaladaha La Xiriira...

DED DEG:- Madaxweyne Laftagareen Oo Baaq Ka Soo Saaarey Xaaladaha La Xiriira Abaaraha ka jira Deeganada Koonfur Galbeed.

30
0

Arbaco 24, Dec 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar ahaan degmooyinka Xudur iyo Wajaajid, si uu ugu kuurgalo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta halkaas iyo baahiyaha degdegga ah ee ay wajahayaan dadka deegaannada.

Madaxweyne Laftagareen, isaga oo ka jawaabaya baaqii digniinta ahaa ee Wasaaradda Gargaarka Maareynta Masiibooyinka Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan soo saartay, ayaa dadka ku nool degmooyinkaasi gaarsiiyay gargaar horudhac ah oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda abaareed ee jirta.

Madaxweynaha wuxuu baaq rasmi ah iyo qeylo-dhaan xooggan u diray dhammaan hay’adaha gargaarka, Dowladda Federaalka, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda, isaga oo ku boorinaya in si degdeg ah loo bixiyo gargaar bani’aadantinimo oo wax ku ool ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo xoolaha, maadaama abaartu ay tahay mid halis ah oo haddii aan si dhakhso ah looga hortagin sababi karta macluul iyo dhibaato baahsan.
Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay:

-In xaaladda gobollada ay u baahan tahay gurmad degdeg ah.
-In hay’adaha samafalka ay dardar geliyaan ka jawaabista baaqa Wasaaradda Gargaarka Maareynta Masiibooyinka DKGS.
-In shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ka qeyb qaataan samatabixinta walaalahooda abaartu saameysay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Laftagareen wuxuu ballan qaaday in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto la tacaalidda xaaladaha degdegga ah iyo gaarsiinta gurmadka meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay.

— DHAMAAD —

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here