Home Sanad Guurada CBB Radiio & TV πŸŽ‰ Hambalyo Hambalyo πŸŽ‰

πŸŽ‰ Hambalyo Hambalyo πŸŽ‰

26
0

Jimco 26, Dec 2025 {CBB} –Maanta oo ay taariikhdu tahay 26 December 2025, waxaan si weyn ugu faraxsanahay inaan u dabaaldegno sannad-guuradeenna saddexaad tan iyo markii la aasaasay Warbaahinta Codka Bay & Bakool oo la aasaasay 26 December 2022 β€” warbaahin Radio iyo TV-page ah oo ka howlgasha deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabaddan qiimaha badan awgeed, waxaan hambalyo iyo mahadnaq gaar ah u diraynaa dhammaan howlwadeenadeenna muddada saddexda sano ah naf-hurka iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ku bixiyey horumarinta warbaahinta, laga bilaabo asxaabta ka howlgasha xarunta dhexe ee Baydhabo, ilaa howlwadeenadeenna kale ee ku sugan gobollada kala duwan.

Sidoo kale, waxaan hambalyo iyo mahadnaq u diraynaa daawadayaasheenna, dhageystayaasheenna iyo akhristayaasheenna muddada saddexda sano ah nagu garab istaagay, nagu dhiirrigeliyey, naguna taageeray gudashada waajibaadka warbaahineed ee aan u hayno bulshadeenna.

Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, kuna suntan horumar, adkeysi iyo kalsoonida bulshadeenna.

Dhammaantiin waxaan idiin rajaynaynaa horumar, guul iyo sannado kale oo badan oo wadajir ah β€” Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here