Jimco 26, Dec 2025 {CBB} –Jaamacadda Carabta iyo ururka Midowga Afrika ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay Doorashadii nabadgalyada ku qabsoomtay ee shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho, taas oo ay ku tartameen 20 urur Siyaasadeed oo horay isu diiwaangeliyay.
Waxa ay garab istaag u muujiyeen Dowladda Federaalka iyo Shacabka iyaga oo codaynta sida ay u dhacday & qaabka looga shaqeeyay adkaynta Amniga ay bogaadiyeen, waxaana ay ku tilmaameen mid u dhacday si dimuqraadiyad ah.
“Doorashada ka dhacday Muqdisho xaqiiqdii waxa ay muujinaysaa kana tarjumaysaa sida ay Soomaaliya uga soo kabatay burburkii iyo caqabadihii hortaagnaa, waxa aan bogaadinaynaa Dadka codeeyay iyo Dowladda xoogga saartay amniga” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.
Doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaa amniga sugayay Ciidamada Soomaali ah waxa ay sii xoojisay kalsoonida lagu qabo in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda Amniga Dalkooda sida ay sheegeen falanqeeyaan kala duwan.







