Home WARARKA MAANTA DG Waqooyi Bari oo si adag u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku...

DG Waqooyi Bari oo si adag u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo tilmaamay in ay ka go’antahay difaaca midnimada Soomaaliya.

22
0

Sabt 27 Dec , 2025 {CBB}War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka oo ah midkii ugu dambeeyay ee laga sameeyo dalka ayaa tilmaamay in go’aanka Israa’iil baalmarsan yahay mabaa’diida caalamiga ah iyo qawaaniinta ilaalinaya madax-bannaanida dalalka.

Waqooyi Bari wuxuu caddeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin awood ama dal si gooni ah u aqoonsan kara gobol ka tirsan Soomaaliya, iyada oo aan la helin oggolaanshaha Dowladda Federaalka ah.

Sidoo kale, Maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale adkeeyay taageeradeeda buuxda ee ay u hayaan mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaasna ay diidan yihiin faragelin kasta oo shisheeye oo khatar ku ah qaranimada Soomaaliya.

Ugu dambayn, Bayaanka ayaa ugu baaqday beesha caalamka, ururrada gobollada iyo kuwa caalamiga ah in ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xasarado siyaasadeed iyo kuwo amni oo gobolka Geeska Afrika ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here