Sabt 27 Dec , 2025 {CBB}Warar isku mowqif ah oo waqtiyo isku dhow kasoo kala baxay Ururrada Midowga Afirka iyo Jaamacadda Carabta ayaa lagu cambaarayay faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Madaxbannaanida iyo wadajirka Soomaaliya, kaddib markii ay sheegtay in ay aqoonsatay Somaliland.
Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka Israa’iil iyaga oo sheegay in ay si cad uga hor timid axdiyada kala duwan ee lagu dhowro dalalka xubnaha ka ah Ururradaas & Qaramada Midoobay, waxa ay Netanyahu ugu baaqeen in uu joojiyo faragelinta uu ku hayo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhowr hab loo maro marka la rabo in la bixiyo ictiraaf ama aqoonsi sidaas awgeed Israa’iil hannaanka ay martay uu yahay mid dhinac marsan shuruucda Caalamiga ah iyada oo qalqal siyaasadeed ka dhex abuurtay Geeska Afrika.
“Mowqifka Midowga Afrika waa mid sida cadceedda oo kale u muuqda, waxa aan diidanahay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay in ay aqoonsatay Somaliland, waa sharci darro tallaabadaas, waxa aan dhinac taaganahay midnimada, Madaxbannaanida & wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” Ayuu yiri, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Geesta kale, Jaamacadda Carabta ayaa diidmo culus kala hortagtay damaca gurracan ee Israa’iil ku doonayso in ay ku kordhiyo xaaladda Siyaasadeed ee Geeska Afrika iyada oo dunida ay ogtahay dambiyadii cuslaa ee Yuhuuddu ka gaysteen dhulka Falastiin sida xasuuqa Shacabka, Go’doominta Dadka rayidka iyo kuwo kale.







