Sabt 27 Dec , 2025 {CBB}Dalladda Bulshada Rayidka ee SONSA ayaa si cad uga hor timid go’aanka uu ku dhaqaaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee la xiriiray aqoonsiga uu sheegay in uu siiyay Maamulka Somaliland ee Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
SONSA ayaa tallaabada Netanyahu ku tilmaamtay mid si cad uga hor imaanaysa mabaadi’da caalamiga ah, waxaana ay dib u furtay qodobka Qaramada Midoobay ee Qeexaya mamnuucidda in la farageliyo midnimada & wadajirka Dal kale.
“SONSA waxa ay u aragtaa tallaabadan mid si cad uga hor imaaneysa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ku saleysan dhowrista madax-bannaanida dalalka, midnimada qaran, iyo wadajirka dhuleed. Tallaabooyinkan noocan ah waxa ay abuuri karaan walaac amni iyo mid siyaasadeed oo saameyn taban ku yeelan kara xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri Warka SONSA.
Dallabadda Bulshada Rayidka ayaa soo jeedisay in wixii khilaaf siyaasi ah iyo masiirka ummadda la kala saaro, wixii wadahadalna uu yahay mid marweliba furan, Ururrada Soomaaliya ay xubinta ka tahay ayay cod dheer ku gaarsiisay in ay ka hadlaan arrintaan.
“SONSA waxa ay ugu baaqaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, IGAD, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya in ay si cad u adkeeyaan mowqifkooda ku aaddan dhowrista madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku habboon sidiii dowlada Israil ay dib uga laaban laheyd go’aankeeda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SONSA.
Waxaa gunaanadka Warsaxaafadeedka Bulshada Rayidka lagu soo gabagabeeyay “SONSA waxa ay ugu baaqeysa waxgaradka, hogaamiyaasha siyaasada iyo kuwa bulshada in si wadajir ah loogu istaago qadiyada midnimada, wadajirka bulshada lagana shaqeeyo xal u helida khilaafyada dhexdeena ah kuwaas oo caqabad ku ah midnimadeena.”
Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Dalal kala duwan iyo ururro kale oo Caalami ah ayaa si cad uga hor yimid go’aanka Ra’iisul Wasaaraha horay loogu jaray waanka xiritaanka ee baxsadka ah uu ku sheegay in uu aqoonsaday Somaliland.







