Home WARARKA CAALAMKA Golaha Ammaanka oo maanta dhagaysanaya dacwad Soomaaliya ay ka gudbisay Israa’iil

Golaha Ammaanka oo maanta dhagaysanaya dacwad Soomaaliya ay ka gudbisay Israa’iil

24
0

Isniin 29,Dec 2025 {CBB}Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta shir gaar ah ka leh Dacwad Soomaaliya ay ka gudbisay Israa’iil kaddib markii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Jimcihii ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland.

Soomaaliya oo kamid ah 15ka Dal ee go’aanka ka gaaraya qaraarka loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa saacadihii u danbeeyay heshay Isbahaysi xooggan oo ku garab istaagaya diidmada kala qaybinta dhuleed ee Israa’iil ku samaysay.

Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Danny Danon ayaa dhankiisa billaabay kulamo uu la qaadanayo Danjireyaasha qaar oo ku gacanseeray in ay ku garab istaagaan xadgudubka Maamulkiisa uu ku sameeyay Soomaaliya.

Dalal badan iyo Urruro Caalami ah ayaa billaabay sidii ay meel fog uga istaagi lahaayeen Damaca gurracan ee Israa’iil ku doonayso in ay Saldhig Militari uga sameysato Deegaanno katirsan Waqooyi Galbeed Soomaaliya oo sidoo kale loo garan ogyahay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here