Home WARARKA CAALAMKA Xuutiyiinta oo ku hanjabay in ay beegsan doonnaan Somaliland haddii Israa’iil Saldhig...

Xuutiyiinta oo ku hanjabay in ay beegsan doonnaan Somaliland haddii Israa’iil Saldhig ku yeelato

26
0

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdimalik Al-Xuuti ayaa wareysi uu siiyay Teleefishinka Aljazeera waxa uu uga falceliyay aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Maamulka Somaliland, Hoggaamiyaan ayaa dhowr arrin dul istaagay.

Marka hore waxa uu sheegay in ay dhankooda jawaab ka bixin doonnaan haddii Israa’iil ay degto Deegaannada Somaliland, waxa uu intaas ku daray in ay beegsan doonnaan danaha Yuhuudda ee Geeska Afrika sida uu hadalka u dhigay.

Cabdimalik Al-Xuuti ayaa intaas ku daray in ay sifo sharci ah ay aktooda ka tahay beegsiga meelo weliba oo saldhig u noqota Israa’iil oo muddo dheer raadinaysay saldhigyo masaafo ahaan u dhow Yemen isla markaana uga khasaaro yar kooxdaan cabsida ku beertay.

“Waxa aan u aragnaa dabcan meel weliba oo Saldhig ka dhigato Israa’iil in aan beegsano, Dhulka Maamulka Somaliland ee Israa’iil ay degeyso waxa uu inoo yahay Bartilmaameed Sharci ah waa marka ay soo degto” Sidaasi waxaa yiri, Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdimalik Al-Xuuti oo la hadlay Aljazeera.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan degdeg ah oo Baarlamaanka uu ka yeeshay arrintaan ka dhex sheegay in aanay Dowladdu aqbalayn in Colaadda Bariga Dhexe ay Israa’iil usoo rarto qayb kamid ah Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here