Isniin 29,Dec 2025 {CBB}Wargayska lagu magacaabo The Jerusalem Post ee kasoo baxa Israa’iil ayaa guuldarro weyn ku tilmaamay in uu Netanyahu kala kulmay aqoonsiga Somaliland kaddib markii dunida inteeda kale dhinac ka noqotay isla markaana Dalalkii heshiiska la galay ay qaarkood ka aamuseen.
Qoraal dheer oo lagu daabacay Wargayska ayaa lagu dhaleeceeyay siyaasadda qir iska tuurka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu ku wajahay aqoonsiga Somaliland oo wax ka badan 72 saac cambaarayn culus dusha ka fuushay.
The Jerusalem Post ayaa intaas ku daray in xitaa Madaxweynaha Maraykanka uu ku gacan-seeray in uu aqbalo soo jeedinta Netanyahu, halkii la rabay in uu ka dhaadhiciyo Donald Trump uu kala kulmay hadal arrintas ka duwan oo ah in laga shaqeeyo arrinta Gaza.
Xubnaha Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Siyaasadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa diiday tallaabooyinka qalloocan uu qaadayo iyo cadawtooyada badan uu u abuurayo dadka Yuhuudda ah sida ay ku doodeen.
Dhinaca Trump & Netanyahu waxa ay kala taageen labo dhinac marka la eego sida uu doonayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ah in uu qas iyo fowdo geliyo Dunida halka Madaxweynaha Maraykanka oo dhibsaday colaaddaas oo saamaysay sumcaddiisa & dhaqaalihiisa.







