Home WARARKA CAALAMKA Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Bangladesh oo geeriyootay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Bangladesh oo geeriyootay.

22
0

Talaado 30, Dec 2025 {CBB}  Ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee Bangladesh, Khaleda Zia, ayaa ku geeriyootay da’da 80 sano kaddib xanuun muddo dheer hayay.

Zia waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa dowladda Bangladesh sanadkii 1991, kaddib markii ay xisbigeedu ku guuleystay doorashadii dimuqraadiyadeed ee ugu horreysay ee dalka ka dhacda muddo 20 sano ah.

Dhakhaatiirtu Isniintii waxay sheegeen in xaaladdeedu ay ahayd “mid aad u halis ah.” Waxaa lagu xiray qalabka neefsinta (life support), balse ma suurtagelin in la siiyo dawooyin badan isla mar ahaantaas sababo la xiriira da’deeda iyo caafimaadkeeda guud oo aad u liitay, ayay sheegeen.

Inkasta oo caafimaadkeedu liitay, haddana xisbigeedu horey ayuu u sheegay in Zia ay ka qaybgeli doonto doorashooyinka guud ee la filayo Febraayo, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay tan iyo kacdoonkii horseeday in xilka laga tuuro haweenaydii kale ee ay is hayeen Zia, Sheekh Xasiina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here