Home WARARKA CAALAMKA Shiinaha oo Awood Ciidan ku Go’doominayo Jaziirada Taiwan.

Shiinaha oo Awood Ciidan ku Go’doominayo Jaziirada Taiwan.

20
0

Talaado 30, Dec 2025 {CBB}  Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan ka walaacsanayn tababarro militari oo ay Beijing ka waddo agagaarka Taiwan, kuwaas oo ay ciidamada Shiinuhu ku tijaabinayaan go’doominta jasiiradda.

“Waxaan xiriir aad u wanaagsan la leeyahay Madaxweyne Xi Jinping, mana ii sheegin wax ku saabsan tababarrada~” ayuu yiri Trump. Dabcan waan arkay,” ayuu raaciyay.

“Maya, waxba ima welwel gelin. Waxay muddo 20 sano ah ka samaynayeen aaggaas tababarro badeed,” ayuu yiri.

Dhaqdhaqaayada soconaya, oo bilaabmay Isniinta, waxay dhacayaan ku dhowaad laba toddobaad kadib markii Maraykanku ku dhawaaqay mid ka mid ah iibinta hubkii ugu weyn ee uu abid u sameeyo Taiwan. Iibintaas ayaa ka caraysiisay Beijing, oo u aragta jasiiradda is-maamusha inay tahay gobol ka go’ay Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here