Home WARARKA CAALAMKA Wararkii ugu Dambeeyay Dibadbax ka dhan ah Israa’iil oo ka socda Muqdisho.

Wararkii ugu Dambeeyay Dibadbax ka dhan ah Israa’iil oo ka socda Muqdisho.

26
0

Talaado 30, Dec 2025 {CBB}Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dibadbax ballaaran oo ka dhan ah xadgudubka Maamulka Israa’iil uu ku sameeyay midnimada Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya Dad isugu jira Shacab iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka.

Garoonka Cayaaraha Muqdisho waxaa saaka xili hore sii xaadiray kumannaan ruux oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo wata Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo boorar kale oo sawirro kala duwan ku hardhan.

Dibadbaxaan waxaa lagu soo bandhigayaa inta uu socdo dhibaatooyinka ay Israa’iil ka gaysatay dunida si gaar ah Dhulka Falastiin iyo qaabka looga hortagi karo dhagartooda sida ay sheegeen ilo ku dhow bannaanbaxaan ka socda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here