Home WARARKA CAALAMKA Qaramada Midoobay Oo Shaacisay in ay Garab taagan tahay Midnimada Soomaaliya”

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay in ay Garab taagan tahay Midnimada Soomaaliya”

24
0

Talaado 30, Dec 2025 {CBB}

Qaramada Midoobay ayaa markale ku celisay in ay dhinac taagan tahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay intaas ku dartay in ay ilaalinayso qodobka tirsigiisu yahay 2809.

Kaled Khiari, Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe, Aasiya & Baasifigga, xubinna ka ah Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Dhismaha Nabadda & Howlgallada Nabadda ayaa Golaha Ammaanka kahor jeediyay Warbixin uu si qoto dheer uga hadlay arrintaan.

Waxa uu sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu xadgudub ku yahay midnimada Soomaaliya sidaas awgeed iyada oo la ilaalinayo Axdiyada uu Golahaas ku dhisan yahay ee ilaalinaya Dalalka xubnaha ka ah.

“Waxa aan rabaa in aan xasuusiyo, sida uu Xoghayaha Guud sameeyay, in Golaha Ammaanku marar badan adkeeyay ixtiraamka madaxbannaanida, wadajirka dhuleed, xorriyadda siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya, sida ugu dambeysay ee lagu caddeeyay Qaraarka 2809 (2025) ee 23-ka December 2025,” ayuu yiri Kaled Khiari, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe, Aasiya & Baasifigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here