Arbaco 31, Dec 2025 {CBB}Dalka Maraykanka waxaa dacwad la xiriirta Musuq lagu soo oogay Dad Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay in ay gaarayso 85 qof, Xeer Ilaaliyaha guud ee Dalkaas, Pam Bondi ayaa sheegtay in dadkaan loo haysto wax isdaba-marin.
Qoraal ay ku daabcday Barteeda X ee horay loo oran jiray Twitter waxa ay Pam ku sheegtay in dacwaddaan keliya ay ku socoto Dad Soomaali ah oo ku nool Gobolka Minnesota halka ajaanibta kale dacwad ku oogistooda ay socoto.
Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa ku goodisay in cid weliba oo wax is dabamarin samaysa la horgaynayo sharciga maadaama aanay jirin cid ka weyn sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay ee looga hadlay dadkaan dacwadda lagu soo oogay.
Dabagalka Dadkaan waxa uu socday tan iyo sanadkii 2019kii, marba meel ayay soo gaaraysay, waxaa loo haystaa in si sharci darro ah ay u isticmaaleen lacago loo dhiibay iyo kuwo ay kasoo uruuriyeen Bulshada si dadka wax loogu qabto.
Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa sheegtay in ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah Dadka sharci darrada ku jooga Maraykanka, kuwa Musuqa ku eedeysan iyo la dagaalanka cid weliba oo tallaab khaldan qaadda.







