Home WARARKA MAANTA Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Deegaannada isku xira...

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Deegaannada isku xira Muqdisho & Shabeelaha Hoose

21
0

Arbaco 31, Dec 2025 {CBB}Ciidamo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Kumaandooska Gorgor & Kuwa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay deegaanno dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.

Deegaannada Ciidamadu howlgalka ay ka sameeyeen ayaa u dhaxeeya Gandarshe iyo Dhanaane oo marin muhiim u ah isu socodka Magaalada Muqdisho & Xarunta Gobolka Shbeelaha Hoose ee Marka waa dhanka Xeebta.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidankaan isku dhafka ah ee Kumaandooska Gorgor iyo Nabadsugidda waxa ay guullo ka sheegteen howlgalkaan iyaga oo tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah.

Taliyaha Qaybta Koowaad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax Jareere ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay kordhiyaan howlgallada ay ku beegsanayaan deegaannada ay ku sugan yihiin ‘AS’ si gacanta loogu dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here