Home WARARKA MAANTA Mas’uulin katirsan wasaaradda howlaha guud KG oo kormeeray dhismiyaal loogu talagalay qaar...

Mas’uulin katirsan wasaaradda howlaha guud KG oo kormeeray dhismiyaal loogu talagalay qaar kamid ah Wasaaradaha KGS.

40
0

Khamiis 15 August, 2024 {CBB}Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftageen) oo bilooyin ka hor dhagax dhigay dhismooyinka wasaarado ka tirsan maamulka KGS kuwaasi oo looga haabahan yahay in loo adeego Bulshada KGS gaar ahaan Bulshada u dhow ee ku yaasho magaalada Baydhabo.

Wasaaradaha loogu tala galay in ay degaan waxaa kamid ah wasaaradda Caafimaadka, Kalluumeysiga, Amiga iyo wasaaradda garsoorka.

Goobta laga dhisaayo xaruumaha wasaaradahaan ayaa waxay tahay dhuul loo yaqaanay Banjawaani oo muddo sanado ah ay ku noolaayeen shacab iyo dad u shaqeeya dowladda FS iyo maamulka KGS kuwaasi oo bixintaankooda lagu qanciyay in lacag la siyo.
Waxaa dhismahaan wasaaradaha lagu mareejiyay ama ay ku guuleysteen in ay dhisaan ganacsato ka tirsan ama ka soo jeedaan gobolada KGS.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guriyeenta maamulka KGS Mudane Daahir Cabdi Cabdulaahi ( DR Goo) iyo mas’uulin ka tirsan KGS ayaa waxay kormeer ku sameyeen sida ay u socdaan dhismiyaasha wasaaradahaan.

Wasiirka ayaa waxaa wareysi ka siyay sida ay u socdaan dhismiyaasha injineerada gacanta ku hayaan ayadoo sheegay in shaqada ay u socoto sidii larabay waqtigii loogu tala galayna ay ku dhamaan doonto.

Wasiir Goo ayaa mas’uulinta gacanta ku hayaan dhismiyaashaan wasaaradaha ku amaanay waana ku bugaadiyay in sidii loogu tala galay loo dhiso si tusaalo uga qataan wasaaradaha kale ee loo dhisi doono xaruumahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here