Home WARARKA MAANTA Muxuu kaga jawaabay Madaxweyne Xasan Shiikh eedeynta Trump u jeediyay Bulshada Soomaaliyeed?

Muxuu kaga jawaabay Madaxweyne Xasan Shiikh eedeynta Trump u jeediyay Bulshada Soomaaliyeed?

20
0

Sabti 3, Jan  2026  {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas Soomaalida ku tilmaamay qashin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadalkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana gef ku ah sharafka iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

“Ma nihin qashin. Waxaan nahay binu-aadam leh dhaqan, hido iyo taariikh fac weyn. Soomaalidu waa dad howlkar ah, caqli badan, kana qeyb qaatay horumarka dalal badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaalidu, inkastoo ay la kulmeen caqabado ay ka mid yihiin colaado iyo duruufo dhaqaale, haddana ay muujiyeen adkeysi, karti iyo rabitaan ay ku dhisayaan mustaqbal wanaagsan

Hadalka Trump ee Soomaaliya ku ilmaamay “qashin” ayaa sababay caro ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah bulshada caalamka, kuwaas oo xusay inuu yahay mid cunsuriyad iyo xaqiraad ku saleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here