Axad 4, Jan 2026 {CBB} Xarumo Caafimaad oo ku yaalla ayaa wajahaya xaalado dhaqaale la’aan, waxaa la sheegay in ay xirmayaan in ka badan 60 Xarumood maadaama uu go’ay lacagihii ku baxayay.
Wasiirka Dowlad-Goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi ayaa sheegay in xirmashada Xarumahaan ay kusoo beegmeen xili ay xaaladdu adag tahay oo Abaaro darran ay ka jiraan Gobollada Dalka gaar ahaan Bartamaha.
Makaawi ayaa intaas ku daray in xarumahaan xirmaya ay dabooli jireen dad badan, 25 kamid ahna loogu adeegayay Carruurta, waxa uu dalbaday in la garab istaago sii socoshada Mashaariicdaan si looga hortago halista laga digayo.
“Haddii Roob yimaado dhibaato ayaa jira, haddii la waayo dhibaato ayaa jirta, haddii Siyaasadda iyo amniga lagu heshiin waayo abaarta ayaa imaanaysa, Galmudug 500,000 oo qof ayaa saameen ku yeelatay abaarta hadda jirta.” Sidaasi waxaa yiri, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi, Wasiirka Gargaarka Galmudug
Waa uu sii hadlay waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay “25 xarumood oo loogu talagay carruurta ayaa maanta waxaa ka istaagay mashaariicdii, March 2026, saddex bilood ka dib 35 xarumood ayaa mashaariicda ka istaagi doonaan.”
Hay’ado gacanta ku hayay Mashaariic kala duwan ayaa shaqada joojiyay sababo la xiriira Dalalkii iyo ururradii Caalamiga ah ee garab taagnaa oo ku wargeliyay in ay joojiyeen taakuladii ay siinayeen, waxa ay ku qasbanaadeen in ay qaataan go’aanka albaabada la isugu dhufanayo xarumo badan oo kala duwan.







