Home WARARKA MAANTA Dalalka kala ah Masar iyo Turkiga oo si adag uga horyimid aqoonsi...

Dalalka kala ah Masar iyo Turkiga oo si adag uga horyimid aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland

16
0

Axad 4, Jan  2026  {CBB}Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Turkiga ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsi kasta oo Isrl ama cid kale siiso Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii qadka taleefanka ay ku wadahadleen Dr. Badr Cabdulcaati iyo Hakan Fidan, kuwaas oo ka wada hadlay xaaladda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Labada wasiir ayaa adkeeyay taageeradooda midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana digay in tallaabooyin hal dhinac ah ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Masar iyo Turkiga ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in laga fogaado tallaabooyin hal dhinac ah oo wax u dhimaya qarannimada Soomaaliya ama carqaladeynaya dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan arrimaha la xiriira Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo ixtiraam buuxa oo loo hayo sharciga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amni u adeegaya shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here