Axad 4, Jan 2026 {CBB}Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in berri la qaban doono shir degdeg ah oo arrinsanayo howlgalka militari ee Mareykanka ka fuliyay dalka Venezuela.
Shirkan ayaa yimid kaddib walaac caalami ah oo ka dhashay tallaabada Washington ay qaadday, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalkaas.
Shirkan degdegga ah waxaa codsaday dalka Kolombiya oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka, waxaana taageeray xubnaha joogtada ah ee Shiinaha iyo Ruushka.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in doodda diiradda lagu saari doono sharcinimada howlgalka Mareykanka, saameynta uu ku leeyahay madax-bannaanida Venezuela, iyo cawaaqibta amni ee ka dhalan karta gobolka Latin America.
Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Pam Bondi, ayaa sheegtay in madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa Cilia Flores lagu soo oogay dacwado ka yaalla Maxkamadda Degmada Koonfureed ee New York.
Dacwadaha loo heysto ayaa waxaa kamid ahnsoo dejinta maandooriyaha cocaine, iyo haysashada hub culus iyo walxo wax burburiya oo ka dhan ah Mareykanka.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya gaar ahaan ergada mataleysa ay markii ugu horreysay guddoomin doonaan shirarka golaha ammaanka ee QM.







