Home WARARKA MAANTA Telefishinka Al Jazeera oo Banaanka Keenay Xog badan oo ku saabsan Safarka...

Telefishinka Al Jazeera oo Banaanka Keenay Xog badan oo ku saabsan Safarka Wasiirka Arimaha Dibadda Israiil.

14
0

Arbaco 07 Jan 2026 {CBB} Telefishinka Al Jazeera ayaa baahiyay warbixin baaritaan ah oo faah faahinaysa safarkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar uu ku tegay Somaliland, iyadoo la raac-raacay diyaarad laga leeyahay dalka Romania oo loo adeegsaday safarka.

Sida warbixintu sheegtay, diyaaradda ayaa subaxnimadii Talaadada ka kacday Addis Ababa, iyadoo si ula kac ah u qarisay halka ay u socoto wax yar kaddib markii ay duushay.

Imaanshaha ayaa markii dambe la xaqiijiyay kadib markii madaxtooyada Somaliland ay baahisay muuqaallo muujinaya Sa’ar oo ka degaya Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa.

Kooxda hubinta dijitaalka ee Al Jazeera ayaa aqoonsatay diyaaradda inay ka tirsan tahay shirkadda Romanian-ka ah ee Fly Lili, waxayna sidoo kale daba-galeen duulimaadkeedii hore oo ka yimid Tel Aviv kuna wajahnaa Addis Ababa.

Diyaaradaha ayaa u sheegay in Wasiirka in aysan qaadaayn ilaa uu ka helo Visa dhanka Muqdisho taas ayaana sababtay in ay shirkad gaar ah ka soo kirayso diyaarad jabin karta sharci dal u yaalla maadaama shirkadaha Rakaab ay wajihi karaan talaabo sharci.

Sidoo kale waxaa saaciday in Hargaysa u dhowdahay xuduudka Itoobiya oo marka diyaaradu ka soo baxdo hawada Itoobiya ay markiiba qabsan karto Radio Hargaysa iyo mashquul la’aanta garoonka Hargaysa.

Xigasho  Al Jazeera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here