Home WARARKA MAANTA 40 qof oo ku dhintay dibedbaxyada Iiraan.

40 qof oo ku dhintay dibedbaxyada Iiraan.

13
0

Arbaco 07 Jan 2026 {CBB} Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay dibedbaxyada ka socday Iran 10-kii maalmood ee ugu dambeeyay, sida ay sheegtay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda shisheeye ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha (HRANA), ayaa sheegtay in 34 ka mid ah dadka la xaqiijiyay ee dhintay ay ahaayeen dibadbaxayaal, halka laba kalena ay xiriir la lahaayeen ciidamada ammaanka.

Maamulka Iiraan ma aysan soo saarin tiro rasmi ah oo dhimasho ah, laakiin waxay sheegeen in saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka la dilay.

BBC Persian ayaa ilaa hadda xaqiijisay dhimashada iyo 20 qof oo la aqoonsaday.

HRANA waxay sidoo kale sheegtay in in ka badan 60 dibadbaxayaal ah ay ku dhaawacmeen, 2,076 kalena la xiray intii lagu jiray rabshadaha, kuwaas oo ka dhashay dhaqaale xumo, waxaana ay ku fiday 27 gobol oo ka mid ah 31-ka gobol ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here