Axad 18 August, 2024 {CBB}Gudiga Dhaqaalaha, Ganacsiga,Warshadaha iyo maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa Villa Hargeysa, kaas oo ay kaga hadleen xaaladda guud ee ganacsiga dalka iyo marxaladaha hada uu marayo.
Guddoomiyaha guddiga ayaa kulanka hadal kooban uu ka jeediyay, ayaa sheegay in uu kulankan ahaa mid deg deg ah oo ay kaga jawaabayeen cabasho badan oo ka soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddiga uu go’aansaday in uu qabto kulamo uu kula xusaabtami doono hay’adaha ay arintan sida gaarka ah u quseyso, sida wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, sidoo kale Hay’ada Tayodhowrka Qaranka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada, in ay is dejiyaan oo ay dowladooda ku kalsoonaadaan, isaga oo ka guddi ahaanna sheegay, dhammaan kulamada isla xisaabtanka oo ay qaban doonaan noqonayaan kuwa dadweyne, islamarkaana ganacsatada ku ay casuumi doonaan si ay goob joog uga ahaadaan.