Talaado 20 August, 2024 {CBB}Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 260-aad Guutada 9-aad qaybta 60-aad fadhigiisa yahay Degmada waajid Ee Gobolka Bakool waxay howlgalo ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah sida garas-dhimbirow, walag, garas-maamow oo dhanka Koonfur beri kaga beegan Degmada waajid.
Howlgalka bacsiga AS waxa hogaaminayey Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad Labo Xidiglle Onkod Macalin Aadan isagoona sheegay in ay ka burburiyeen saldhigyo khawaarijta deegaanadaas ku dhibaateyn jirtay shacabka Xoolo dhaqatada ah.
Kooxda Al-shabaab ayaa degaanada qaar ee hoos taga Waajid waxay ku dhibateyaan shacabka halkaasi ku nool ee is kugu jira xoola dhaqatada iyo beeralayda kuwaasi oo ka qaada canshuuro baad ah.
Taliye ayaa sheegay si shacabka dhibkaas looga dulqaado in looga baahan yahay in ay dhan weliba ciidamada ay kala shaqeysan.