Home WARARKA MAANTA Wasaaradaha iyo hay’adaha ka shaqeeya KG oo loogu baaqay in ay kor...

Wasaaradaha iyo hay’adaha ka shaqeeya KG oo loogu baaqay in ay kor u qadaan mashruucyada ka socda KGS

37
0

Talaado 20 August, 2024 {CBB}Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Mohamed Nour Abdi ayaa Furey Shir looga hadlayey diyaarinta Gudiga Farsamo Kormeerka iyo Qiimaynta Mashaariicda ka socda Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed
Shirka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Yacquub Isaaq Xasan, Madax ka socotay Wasaaradaha iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Hay’addaha.

Hay’adaha kala shaqeeya wasaaradda qorsheynta ayaa ka warbixisay mashaariicda loo baahan yahay in laga fuliyo degaanada KG, kuwa socda iyo kuwa loo baahan yahay in la fuliyo iyagoo u badan yihiin kuwa arrimaha Bulshada.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha looga baahan yahay in ay Xoojiyaan mashruucyada loo baahan yahay in KG laga fuliyo ayadoo la oganaayo wax yaabaha ay u baahan yihiin Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here