Khamiis 21 August, 2024 {CBB}Wasiiro katirsan Dowladda Koonfur Galbeed oo ay kamid yihiin wasiirka amniga gudaha Dowlada KGS, wasiirka Dastuurka, wasiiru dowlaha arimaha gudaha, wasiir ku xigeenka Maaliyada wasiir kuxigeenka Amniga gudaha,Taliyaha saldhiga booliiska degmada & Gudoomiyaha degmada ayaa kormeer kutagey suuqa xoolaha Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ganacsata ayaa aad usoo dhaweeyay
Booqashada wasiirada & maamulka Dagmada, wax ayna sheegeen in ay dhiiri galin utahay Bulshada Ku ganacsata Suuqa xoolaha Degmada Wanlaweyn ayna kufaraxsan yihiin in madaxdu ay soo booqdaan.
Sidoo kale ganacsatada ayaa uga war bixisay dhaqdhaqaaqyada suuqa kuwaa oo sheegay in xaalada suuqa ay tahay mid aad u wanaagsan.