Jimco 9 Jun 2026 {CBB} War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Maraykanka oo ka dhacay Gobolka Jubada Dhexe Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday Warshad ‘AS’ u diyaarin jirtay Qaraxyada isla markaana lagu dilay 18 xubnood oo halkaas ku sugnayd sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Howlgalka waxa uu si gaar ah uga dhacay Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in dadka lagu dilay weerarkaan ay ku jireen injineerro ‘AS’ u diyaarinayay Qaraxyada sida hadalka loo dhigay.
“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa fuliyay howlgal qorshaysan, kaas oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, Duqaynta ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.
Gobolka Jubada Dhexe oo si buuxda ay u maamusho ‘AS’ waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku kordhay duqaymaha Diyaaradaha oo si wadajir ah u fulinayaan ciidamada kumaandooska Danab iyo Maraykanka, waxaa kaalin lixaad leh ka qaadanaya Ciidanka NISA.







