Jimco 9 Jun 2026 {CBB}Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in qodista shidaalka badda Soomaaliya si rasmi ah loo bilaabi doono sanadka 2026, kaddib marka ay soo baxeen natiijooyin muujinaya in dalka uu leeyahay shidaal ganacsi ahaan faa’iido leh.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay BBC, ayaa xaqiijiyay in natiijooyinka sahankii 3D seismic ee laga sameeyay badda Soomaaliya lagu dhawaaqay magaalada Istanbul dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore, isla markaana ay si cad u muujinayaan jiritaanka shidaal ganacsi geli kara.
Daahir Shire wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay diyaarisay markab qodis casri ah oo jiilka toddobaad ah, kaas oo awood u leh inuu qodo ilaa 12,000 mitir, halka ceelka ugu horreeya ee la qorsheeyay uu noqon doono mid u dhexeeya 7,500 ilaa 8,000 mitir. Markabkaas ayaa la filayaa inuu yimaado Soomaaliya dhammaadka Janaayo ama horraanta Febraayo 2026.
Wasiirka ayaa tilmaamay in sahanku uu ka socday saddex xirmo (blocks) oo ku yaalla badda Hindiya, gaar ahaan inta u dhexeysa Galmudug, Mareeg iyo bariga Hobyo, isla markaana xogta la helay ay muujisay in shidaalka ku jira uu yahay mid suurtagal ah in la suuq geeyo.
Isagoo ka hadlayay walaaca ku saabsan in ceelka ugu horreeya laga yaabo inuusan soo saarin shidaal ganacsi ah, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda iyo saaxiibadeedu aysan gelin lahayn maalgelin dhan boqolaal milyan oo doollar haddii aysan hubin natiijada.
Dhanka heshiiska Turkiga iyo saamiga la hadal hayo ee boqolkiiba 95, wasiirka ayaa caddeeyay in arrintaasi ay tahay cost recovery, taas oo micnaheedu yahay in Turkigu dib u helayo kharashkii uu geliyay, balse aysan ahayn in uu si joogto ah u qaadanayo intaasi faa’iidada shidaalka.
Wasiir Daahir Shire ayaa sidoo kale sheegay in shirkado Maraykan iyo Ingiriis ah loo qoondeeyay xirmooyin kale oo badeed, isla markaana la filayo in mid ka mid ah shirkadahaas ay bilaabaan hawlo sahamin ah bilaha soo socda.
Ugu dambayn, wasiirku wuxuu xusay in sanadka 2026 uu noqon doono sanad ay Soomaalidu “indhahooda ku arki doonaan” horumar dhab ah oo dhinaca shidaalka ah, inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in dakhliga buuxa ee shidaalka uu qaadan doono waqti, maaddaama uu u baahan yahay maalgelin, kaabayaal dhaqaale iyo qorshe suuq-geyn.







