Jimco 9 Jun 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Salaadda Jimcaha boqolaal Shacab ah kula tukaday Masjidka Abuu Hurayra ee Suuqa Bakaaraha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka uu la hadlay waxa uu usoo jeediyay in ay mas’uuliyad iska saaraan ka shaqaynta Amniga iyo in ay gacansiiyaan Ciidamada isbaddelka nabadgalyo ka dhaliyay Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
“Masaajidka ilaahay ayaa dhex taagan nahay, Salaadda Jimcaha ayaa tukanay, weyso ayaa inoo dhowran, ilaahay hortiisa ayaan taagana nahay, ilaahay aan u barino in uu guuleeyo Wiilashada Soomaaliyeed ee hortaagan AS & Daacish ee Buurahaas iyo dhulkaas dhibka badan ku hortaagan aan u ducayno” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
Masjidka Abuu Hurayra waxa uu kamid yahay Masaajidda waa weyn ee Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa wehliyay Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka.







