Home WARARKA MAANTA Taliyaha Sirdoonka Itoobiya oo Muqdisho kula kulmaya Madaxda DFS

Taliyaha Sirdoonka Itoobiya oo Muqdisho kula kulmaya Madaxda DFS

19
0

Talaado 13 jun 2026 {CBB}Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa maanta lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho waxaana uu la kulmayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kawada hadlayaan arrimo dhowr ah sida iskaashiga labada dal ee dhinaca Amniga iyo kuwo kale.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku dhow safarka Taliyaha Sirdoonka Itoobiya Ridwaan Xuseen, Xukuumadda Addis Ababa ayaa xoogga saaraysa isbahaysiga dhinaca Amniga ee Geeska Afrika si meesha looga saaro wax weliba oo dhibaato ku ah.

Diblumaasiyiin kala duwan ayaa ku warramay in Itoobiya ay doonayso in ay xoogga saarto dardargelnta heshiisyo hore oo dhinaca amniga taabanaya oo ay la gashay dhiggeeda Muqdisho si boorka looga jafo loona dhaqangeliyo.

Itoobiya ayaa horay u caddaysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waxa ay meel fog ka istaagtay faragelinta Israa’iil iyada oo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan arrimaha geeska Afrika kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here