Home WARARKA MAANTA DG Puntland & Jubbaland oo kahor yimid go’aanka XFS ee dalka looga...

DG Puntland & Jubbaland oo kahor yimid go’aanka XFS ee dalka looga saaray Imaaraatka

15
0

Talaado 13 jun 2026 {CBB}Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa kahor yimid go’aanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi’iyay heshiisyadii horay loola galay Isutagga Imaaraatka Carabta laguna amray in uu isaga baxo Dekedaha Berbera, Boosaaso & Kismaayo.

Puntland & Jubbaland ayaa si rasmi ah u sheegay in aanay dhaqangelin doonnin go’aanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Isutagga Imaaraatka Carabta maadaama heshiisyo gaar ah ay si iskood ah ula galeen.

Labadaan Dowlad-Goboleed ayaa ku dooday in Dastuurka maamulladaan u ogol yahay heshiisyadaas iyaga oo sidoo kale ku xoojiyay qodobo kamid ah Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka sida ay ku adkeeyeen Doodda ay ka keeneen eryidda Imaaraatka.

Xubno kala duwan ayaa Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ku dhaliilay in ay ka gaabsadeen ka hadalka faragelinta Israa’iil ay ku samaysay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib markii ay shaacisay in ay aqoonsatay Somaliland.

Labadaan Dowlad-Goboleed iyo Somaliland ayaa si dhow ugu xiran Isutagga Imaaraatka Carabta, waxa ay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay tageen Dalkaan Carbeed iyaga oo la kulmay Madaxda Dalkaas oo ay kala hadleen arrimo aan bannaanka weli usoo bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here