Aarbaco 14 jun 2026 {CBB}Ninka dhaqaalaha badan haysta ee u dhashay Dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Elon Musk ayaa baasiin ku sii shubaya dabka ka dhex ololaya gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib markii dadka dibadbaxaya uu u fasaxay Internet bilaash ah.
Elon Musk ayaa sheegay in markii Dowladda Iiraan ay qaadatay go’aan ah Xayiraadda Internetka ee Dadka dibadbaxaya in uu isna ka dabaqaatay go’aankaan culus ee bilaashka uga dhigay dadka helitaanka Starlink ee Dayax-gacmeedka ku xiran.
Musk ayaa culays xooggan kala kulmaya waaxda Iiraan ee dhinaca maamulka Hawada iyo Internetka oo dhowr jeer isku dayday in ay joojiso adeeggiisa, waxaa intaas dheer in dadka lagu wargeliyay inuu damacsan yahay howlo basaasid ah.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan la sheegay in uu ka fakiray qorshaha culus uu ku fulin karo duullaan ka dhan ah Iiraan, waxa uu maamulkiisa taageeray dibadbaxyada rabshadaha wata ee Dalkaas ka socda.







