Arbaco 14 jun 2026 {CBB}Dalka Uganda waxaa berri oo khamiis ah kuna beegan 15ka Janaayo 2026 ka dhacaysa Doorashada isku sidkan ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo sanadkaan ay u tartamayaan saddex musharrax oo midkood uu yahay Madaxweynaha Dalkaas Yoweri Museveni.
Waxa aan dhexda ka galaynaa dhowr qodob oo ku saabsan doorashada Uganda, waxa ka cusub, tallaabooyinka la qaaday, rejada Ururrada ku loomaya, Sooyaalka Musharrixiinta ee doorashooyinkii ugu danbeeyay iyo sida ay Beesha Caalamka indhaha ugu hayso.
Dadka Isdiiwaangeliyay:
Ugu horrayn sida ku xisan barta guddiga Doorashooyinka maamulaya waxaa bulshada Dalkaas oo gaaraysa 53 Milyan oo ruux si rasmi ah isu diiwaangelisay 21,681,491, Dadkaan ayaa codayn doonna Berri oo waxa ay qaateen kaararkooda.
Yaa tartamaya?
Saddex Musharrax ayaa tartamaya oo kala ah, Madaxweynaha 40ka sano maamulaya Dalkaas waa Yoweri Kaguta Museveni, waxaa la loolamaya fannaanka heesaha raabka ah qaada ee Robert Kyagulanyi Ssentamu oo ku magac dheer Bobi Wine & Gregory Mugisha Muntuyera oo loo garanayo Mugisha Muntu.
Maxaa la qaaday oo tallaabooyin ah kahor doorashada Uganda?
Tallaabada ugu horreysa ee la qaaday waxaa la jaray qadka Internetka, halkaas waxaa ku go’ay in dadku helaan xogo bannaanka ah oo la xiriira arrimaha Doorashooyinka Uganda, waxaa xigtay in ciidamo badan la dhigay waddooyinka iyo goobaha codbixinta si amniga loo adkeeyo loogana hortago wax weliba oo caqabad ku noqon kara.
Ololaha Musharrixiinta tartanka uu ka dhaxeeyo:
Olole xooggan ayuu mid weliba sameeyay iyada oo dadka codaynaya uu ka codsaday in codkiisa uu siiyo, dadka ayaa la kala safan musharrixiintaan, waxa ay qaarkood sheegeen in sanadkaan ay doorashadu ka adag tahay sanadihii lasoo dhaafay waayo musharrax weliba ayaa sameeyay intii awooddiisa ah bandhig uu dadka kusoo jiidan karo.
Sida lagu sheegay daraasado kala duwan oo horay loo faafiyay, Dhallinyarada ayaa la sheegay in ay la safan yihiin Musharraxaha fannaanka ah oo horay ballanqaadyo kala duwna ugu sameeyay, waxa ay jecel yihiin isbaddel cusub oo ku yimaada hoggaanka dalkooda.
Doorka Beesha Caalamka ee Doorashada ka dhacaysa Uganda:
Uganda laguma farageliyo arrimaha la xiriira Doorashooyinka sida horay loogu soo arkay Doorashooyinkii dalkaas ka dhacay oo Dowladdu xabsi dhigtay Musharrixii la tartamay Madaxweyne Yoweri Museveni oo ah Bobe Wine in la xiray, waxaana lagu eedeeyay in uu dalkaas u horseedayay rabshado kolkii uu ku dooday in codka lagu shubtay.







