Home WARARKA MAANTA Boqolaal kun oo ruux Abaar darran ku hayso Ismaamulka Mandheera

Boqolaal kun oo ruux Abaar darran ku hayso Ismaamulka Mandheera

14
0

Arbaco 14 jun 2026 {CBB}Boqolaal kun oo ruux ayaa isaga baxday deegaanno katirsan Ismaamulka Mandheera kaddib markii saamayn taban ay ku reebtay abaarta ka jirta qaybo kamid ah Ismaamulkaas, waxa ay dadkaan u badan yihiin xoolo dhaqato.

Saddexdii fasal ee lasoo dhaafay ayay dul joogtay Abaarta sida ay ku warrameen qaarkood oo la hadlay Koox Suxufiyiin ah oo ugu tagay deegaannada ay u barakaceen Dadkaan oo aanay uga horrayn Cunno iyo biyo ay naftooda ku badbaadistaan.

Waxa ay dalbadeen kaalmo degdeg ah in lala gaaro, waxa ay wateen xoolo kooban oo ah intii ugu badbaaday abaarta, uma hayaan wax ay siiyaan, haddii aysan helin daaq iyo biyo ku filan iyanna waxa ay mari doonnaan waddadii ay mareen xoolihii ka baqtiyay.

Cismaan Aadan oo katirsan Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in dadkaan ay u baahan yihiin Kaalmo degdeg ah maadaama ay saamayn taban ku reebtay Abaarta darran ee deegaannadooda ka jirta sida uu hadalka u dhigay.

Biyo dhaamin kooban ayaa laga sameeyay Deegaannada qaar balse ma ahan mid dabooli karta baahida jirta sida ay ku warrameen ilo kala duwan, qaylo dhaantu waxa ay gaartay Dowladda Kenya oo aanay weli jawaab dhammaystiran ka bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here