Home WARARKA CAALAMKA Ilhaan Cumar ‘’ aargoosi siyaasadeed Ayuu Wadaa Madaxweynaha Mareeykanka ’’

Ilhaan Cumar ‘’ aargoosi siyaasadeed Ayuu Wadaa Madaxweynaha Mareeykanka ’’

13
0

Sabti 17 jun 2026 {CBB} Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanka uu dhinacooda yahay ayna dagaalami doonaan si ay u difaacaan, iyada oo ku eedeysay maamulka Trump aargoosi siyaasadeed.

Barteeda bulshada ayay kusoo qortay ‘’Trump iyo maamulkiisa socdaalka kama badbaadin doonaan weerarada ay ku hayaan gobolkeena. Arrintan weligeed kuma saabsanayn fulinta sharciga — mar walbana waxay ku saabsanayd aargoosi siyaasadeed’’

Waxay intaasi ku dartay Trump iyo fulinta sharciyadiisa socdaalka kama badbaadi doonaan weerarradooda sharci-darrada ah ee ay ku hayaan gobolkeenna. Dastuurku waa dhinaceenna, waxaanan u dagaallami doonnaa inaan difaacno annagoo adeegsanayna wax kasta oo aan hayno’’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here