Sabti 17 jun 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari kula kulmay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka qaybgalaya caleemosaarka madaxda sare ee Maamulkaas.
Xubnaha Wafdiga ayaa ka kooban Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Muumin Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Wafdiga ka socda Jabuuti ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay doorka uu ka qaadanayo ilaalinta Dalka si gaar ah midnimada iyo wadajirka, waxa ay la wadaageen fariin ay uga wadeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa bogaadiyay Jamhuuriyadda Jabuuti oo xaalad weliba ku garab istaagtay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in ay taariikhda xusi doonno.
Jabuuti ayaa safka hore uga jirta dalalka ka dhiidhiyay faragelinta Soomaaliya ay ku samaysay Israa’iil, waxa ay ku baaqday in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Dadka isla markaana la dhowro axdiyada Caalamiga ah ee heshiiska lagu yahay.







