Home WARARKA CAALAMKA Daadad ka dhashay Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay Koofurta Qaaradda Afrika...

Daadad ka dhashay Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay Koofurta Qaaradda Afrika oo ku dilay in ka badan 100 qof

13
0
Onlookers inspect damage to the bridge crossing the Ga-Selati River, just outside Phalaborwa on January 16, 2026 following heavy rains over much of the Limpopo Province, South Africa. Heavy rains have drenched the northeast of the country since late last year, claiming at least 30 lives, with the region on maximum alert for more rain in the coming days. (Photo by Paul Botes / AFP)

Sabti 17 jun 2026 {CBB}South Africa, Mozambique & Zimbabwe oo dhaca Koofurta Qaaradda Afrika waxaa ka da’ay roob wata Daadad badan oo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof, waxaa ku burburay waddooyin waa weyn iyada oo ay barakaceen kumanaan ruux.

Todobyaadyo roobab culus si xiriir ah uga da’ ayeen qaybo kamid ah saddexdaas dal waxaana ka dhashay khasaaraha intaas la eg oo suuragal ah in uu kasii kordho maadaama biyuhu ku hooreen dhul laamiyada joog ahaan ka hooseeya.

Waqooyiga Dalka Koofur Afrika gaar ahaan Limpopo & Mpumalanga waxaa laga diiwaangeliyay dhimashada 30 qof, waxaa intaas dheer in dad badan ay ku guryo beeleen, cabsi darteed ayay uga baxeen guryahooda iyaga oo dayacan xiligaan.

Diyaaradaha Kumaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaan ayaa dul heehaabaya deegaannada qaar si ay u raadiyaan Dad ku go’doonsan meelaha qaar ama ugu yaraan u arkaan Shaqsiyaadka doonaya in la caawiyo sida hadalka loo dhigay.

Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa oo maalin kahor booqday qaybo kamid ah Gobollada Waqooyiga ee dalkiisa ayaa sheegay in Dowladdu qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu caawinayo dhibbanayaasha isla markaana looga hortagayo khasaara kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here