Home WARARKA CAALAMKA Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku...

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku duuban”

14
0

Sabti 17 jun 2026 {CBB}Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dhinac taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Dowladda Turkiga ay doonayso Soomaali mid ah oo isku duuban, sidaas awgeed ay Ankara xoogga saarayso sidii loo gaari lahaa ujeedkaas sida uu hadalka u dhigay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

“Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku duuban, marweliba oo Walaalaheen Soomaaliyeed ay isku duubmaan waxa ay muujinaysaa midnimo & wadajir, Maanta waa maalin taariikh gaar ah inoo ah, maalin weliba waxa aan garab taaganahay Walaalaheen Soomaaliyeed” Ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa kamid ah Danjireyaal ka qaybgalaya Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Ankara ayaa garab istaag u muujisay Muqdisho iyada oo sheegtay in ay ku dhinac taagan tahay sidii ay ilaalsato Midnimadeeda & wadajirkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here