Arbaco 21-Jun 2026 {CBB} Trump wuxuu ku celcelinayaa aragtidiisa ah in helitaanka Greenland ay muhiim u tahay ammaanka qaranka Maraykanka.
Waqtiyadii hore, wuxuu sheegtay isaga oo aan caddayn haynin in dhulkaasi “ay ku hareereysan yihiin maraakiib Ruush iyo Shiinaha meel kasta.”
Goobta uu ku yaallo ee u dhexeysa Waqooyiga Ameerika iyo Arctic-ga waxay ka dhigeysaa meel ku habboon nidaamyada digniinta hore haddii ay dhacaan weerarro gantaal ah, iyo kormeerka maraakiibta ku sugan gobolka.
Laakiin waxaa mudan in la xuso in heshiisyada hadda jira ee Denmark, Maraykanku uu awood u leeyahay inuu keeno ciidamo badan haddii uu doono Greenland.
Maraykanku horey ayuu wxaa uga joogay in ka badan 100 askari oo si joogto ah ugu sugan saldhiggiisa Pituffik ee waqooyiga-galbeed ee Greenland – oo ah xarun uu Maraykanku maamulayay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Denmark iyo Greenland, ka dib booqasho dhowr ah oo ay ku tageen Washington si ay uga wada hadlaan, waxay muujisay fursad ay Maraykanku ku sii joogi karo ciidamo badan mustaqbalka dhulkaasi.







