Khamiis 22-Jun 2026 {CBB}Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ahaa uga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha amniga iyo dagaalka AS.
Kulanka oo shir guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa lagu dhageystay warbixinno la xiriira dagaalkii qaraxyada ku billaawday ee AS arbacdii kula wareegeen deegaanka Kudha ee gobolka Jubbada Hoose.
Golaha ayaa boggaadiyay howlgalka ay wadaan ciidanka amniga ee ka dhanka ah AS, iyagoo tilmaamay in ay la garab taagan yihiin taakul iyo sahay kasta oo ay u baahan yihiin.
Kudha oo hoos timaada magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka Xoogga iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo saacadihii la soo dhaafay gudaha u galay magaalada.
Dhinaca kale, Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.







