Khamiis 22-Jun 2026 {CBB}Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay gogosha madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud u fidiyay xubnaha mucaaradka dalka, si loogu midoobo danaha qaranka.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan baaqa Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go’antahay heshiis laga gaaro khilaafka jira.
“UNTMIS waxay soo dhowaynaysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Wadatashiga Qaran iyo casuumaadda ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Waxaan taageeraynaa wadahadal loo dhan yahay oo lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin daah-furan” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri “Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si togan uga jawaabaan casuumaadda, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybqaataan wadahadallada soo socda”
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhawaan ku baaqay shir wadashi ah oo furmi doona 1 bisha Febraayo, kaasi oo ay la yeelan doonaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.







