Khamiis 22-Jun 2026 {CBB}Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda taageero iyo taakulo la garab taagan tahay Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ee AS kula dagaalamay deegaanka Kudha ee gobolka Jubbada Hoose.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay iska difaaceen xubnaha AS ee weerarka qaraxyads ku billaawday ku soo qaaday saldhigyada ciidanka.
“Waxaan idinla garab taabahay taageero kasta iyo taakulo, marna ha niyad jabinina, waxaad heegan u tihiin sugida amniga dadkiina Soomaaliyeeda iyo dalka” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Sood kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray askarta ku geeriyooday intuu socday weerarka AS, isagoo caafimaad u rajeeyay inta kale ee dhaawaca ah.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbalabd ayaa weli wada howlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga deegaan Xeebeedka Kudha ee gobolka Jubbada Hoose.







