Jimco 23 Jun 2025 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin ilaalinta madaxbannaanida dalka, isla markaana ay si adag uga hortagi doonto cid kasta oo ku xadgudubta ama hoos u dhigta sharafka iyo xuduudaha qaranka.
Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera Net, xilli uu ku sugnaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qeybgalay Shirka iyo Bandhigga Difaaca Badda ee DIMDEX 2026.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in go’aankii dhowaan dowladda Soomaaliya ku joojisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta uu yimid kaddib xadgudubyo si toos ah u taabanayay madaxbannaanida Soomaaliya.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dhammaan saldhigyada militari ee ku yaalla dalka ay tahay in ay hoos yimaadaan dowladda federaalka ah, isla markaana lagu dhiso ixtiraam buuxa oo la siiyo qarannimada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa qiray in Imaaraadka Carabta ay hore u taageeri jireen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, balse taageeradaasi ay istaagtay ku dhowaad laba sano ka hor.
Waxa uu intaa ku daray in marar badan taageeradaasi aan loo marin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda.
Isagoo ka hadlay sababaha ay dalalka shisheeye u daneynayaan joogitaanka militari ee Soomaaliya, Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay in arrimahaasi ay salka ku hayaan la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda, istaraatiijiyadda juqraafiyeed ee dalka oo ku yaalla marinno muhiim ah sida Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, iyo sidoo kale damac ku aaddan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida shidaalka, macdanta iyo kalluunka.
Wasiirka ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta Somaliland, isagoo ku adkeeyay in ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana heshiis kasta oo ay si gooni ah u gasho uu yahay mid baalmarsan dastuurka dalka iyo sharciga caalamiga ah.
Waxa uu ka digay in aqoonsi loo fidiyo Somaliland ay horseedi karto qalalaase hor leh iyo carqaladeyn ku timaadda dadaallada dib u dhiska qaranka.
Sidoo kale, Wasiirka Difaaca ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan waxa uu ku tilmaamay isku dayga Israa’iil ay ku doonayso in ay ku lug yeelato arrimaha Somaliland, isagoo sheegay in arrintaasi ay halis ku tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ay doonayso in ay ka faa’iideysato goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland, iyada oo aan wax tixgelin ah u hayn danaha shacabka deegaanka, isla markaana ay jiraan warar ku saabsan qorshe lagu doonayo in lagu soo raro Falastiiniyiin dhibaatooyin soo gaaray.







