Home WARARKA CAALAMKA Wararkii ugu dambeeyay Dibadbax ka dhan ah Ciidanka ICE oo ka dhacay...

Wararkii ugu dambeeyay Dibadbax ka dhan ah Ciidanka ICE oo ka dhacay Minnesota

13
0

Sabti 24 Jun 2025 {CBB} Dibadbax ka dhan ah Ciidanka Maraykanka u qaabilsan socdaalka & Kastamyada ee loosoo gaabiyo ICE ayaa ka dhacay Gobolka Minnesota, waxaa inta uu dibadbaxu socday la xiray Boqolaal Ganacsi oo ku yaalla Gobolkaas.

Dadka soo qabanqaabiyay dibadbaxa ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan howlgallada ciidanka ICE, waxa ay soo jeediyeen in laga dulqaado maadaama maalin weliba rabshado iyo buuq ay ka dhex wadaan Minnesota.

Waxa ay wateen boorar lagu qoray ereyo ka tarjumaya sida ay u diidan yihiin culayska Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu saaray Gobolka Minnesota iyo ficillada aan habbooneen ee Ciidanka Socdaalka samaynayaan.

Labada Magaalo ee sida isku midka ah looga dibadbaxay waxa ay kala yihiin Saint Paul & Minneapolis, waxaana u badan Dadka Soomaalida ah oo goobo Ganacsi oo waa weyn ku leh Magaalooyinkaas waana Bulshada sida gaarka ah loo beegsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here