Sabti 24 Jun 2025 {CBB}Kulamo saacado qaatay kaddib waxaa Warsaxaafadeed soosaaray Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo sheegay in uu aqbalay Gogosha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhigtay si ay uga wadahadlaan xaaladda Dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah maadaama Dalka uu marayo waqti xasaasi ah si loo hagaajinaya aan laga maarmin wadahadalka saamileyda siyaasadeed ee dalka sida hadalka loo dhigay.
“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asaga oo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee Dalkeena horyaalla, wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortago firaaq dastuuri ah, loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada Dalka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in diiradda la saaro Dastuurka, Amniga, Doorashooyinka, Midnimada & Abaaraha, waxaana uu magacaabay Guddi Farsamo oo wakiil uga ah Diyaargarowga Farsamo ee shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qabanayso.
Halkaan hoose ka aqriso Warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in 1da Febaraayo 2026 uu qabsoomayo shir ay ugu yeertay in uu kasoo qaybgalo Mucaaradka Dowladda, waxaana isla waqtigaas soo dhaweeyay Beesha Caalamka, Bulshada Rayidka & Dhinacyo kale.







