Talaado 27 Jan 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin dheeraad bixiyay howlgalo mudo ka badan laba todobaad ka socday deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in howlgalada ka socday mudada labada todobaad ah gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaa deegaanka Jabad Godane iyo nawaaxigiisa in lagu dilay ilaa 150 xubnood oo ka tirsan As .
“Ilaahey fadligiis iyo geesinimada ciidanka Qaranka waxaa suura gashay in howlgalo socday mudo ka badan laba todobaad oo ay garab naga siiyeen saaxiibada Caalamka in aan ku guuleysanay in cadawga Khawaarijta aan ka nadiifino deegaanka Jabad Godane, waxaana howlgaladaas looga dilay tiro u dhaxeysa 120 ilaa 150 oo ay ku jiraan lix horjooge ” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale xusay in howlgaladii ka dhacay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, islanarkaana looga dilay in ka badan 200 oo xubnood.
Wuxuu bogaadiyay guulahii ciidamada is kaashanaya ee Danab iyo kuwa Jubbaland guushii ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay Kudhaa, isagoona ku tilmaamay guulaha ciidanadu ka gaareen Jabad Godane iyo Kudhaa iney muujineyso awooda ciidanka Qaranka.
“Guulahan waxay cadeyn u tahay in ciidamada Qaranka ay ku filan yihiin difaaca dalka, waxay fariin cad u tahay kuwa shirarka narkey qabtaan dhihi jiray ciidankii waa burburay ciidan wax iska difaaci kara ma jiro” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyntii Wasiir Fiqi ayaa dowladaha Turkiga iyo Maraykanka uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada howlgalada fuliyay oo ay ku caawiyeen duqaymo dhanka cirka ah iyo taageerrada agabka ciidan ay adeegsanayeen.







