Talaado 27 Jan 2026 {CBB}Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay ajandeyaasha horyaalla Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa taabanaya masiirka dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn oo ku soo aaday xilli uu gaba gabo yahay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.
Aadan Madoobe ayaa Guddiyada joogtada siiyay warbixin la xiriirta howlaha golaha shacabka horyaalla, isagoo ku baaqay in la xoojiyo shaqada qaranka.
Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday ajendayaasha horutabinta u leh Golaha iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Golaha la horgeeyo ajandayaasha, si loogu coddeeyo.
Go’aanka ka soo baxay Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Baarlamaanka loo soo gudbiyay wax ka badalka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka dalka.
Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana ay xildhibaannada qaar ku doodayaan in dib loo dhigo Qorshaha wax ka badalka Dastuurka.







